Al-shabaabka Kismaayo oo 9 nin ka qabtay Itixaadka Ibraahin dheere,3 kamid ahna dilay.
Sunday, 04 January 2009 01:53
Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Kismaayo ee jubada hoose ayaa sheegaya in qorshihii Jahawareer ee sirdoonka Tigreegu soo abaabulay isku badalay in dhiiga dhagta la isgu daro Kadib Markii 9nin laga qabtay koox ku socotay in ay yihiin Itixaadka Ibraahim (dheere).
Alshabaabka ka taliya Magaalada Kismaayo ayaa gacanta ku dhigay 9nin oo lasocday kooxda Itixaadka la odhanjiray ee Ibraahim (dheere) hogaamiyo ee kusugan kismaayo kadib markii ay ka shakiiyeen dhaq-dhaqaaqa 9nin, kadib markii la xidhay oo su’aalo la waydiiyayna waxay wiilashani sheegteen in ay qayb ka yihiin qorshaha Dr.dolaal (jilaani) wado Magaca Itixaadka Ibraahim dheerana ay kujogaan goobaha al-shabaabku ka taliyaan si aanan naloo fahmin.
Hadaba baadhitaan dheer kadib kooxda al-shabaab waxaa usoo baxday in ay ninmankani Jaajuusiin yihiin oo ay sir wayn ururinayeen sidaa daraadeed waan dilaynaa sida lasoo sheegayayna waxaa la sheegayaa in xalay 3nin kala baxeen 9nin kuwaas oo loo badinayo in dhagta dhiiga loo daray oo la khaarajiyay inta soo hadhayna in ay dilayaan ayay ubadantahay.
Itixaadka Ibraahin (dheere) iyo Casoowe ayaa sameeyay xidhiidhyo badan oo lagu badbaadinayo 9nin iyagoo leh nimankan waa ONLF-ta quman ee Dr.dolaal ee daaya anagaa ka masuul ah isku daygan ayaa guul darro ku dhamaaday oo keenay in Itixaadka ibraahin laftiisa loo hanjabo.
Masuul sare oo kamid ah kooxda al-shabaab ee jubooyinka oo diiday inaan magaciisa sheegno ayaa sheegay in ay baadhitaan ku wadaan Dr.dolaal (jilaani) iyo Ibraahim (dheere) oo ay sheegeen in ay ku arkeen calaamado badan oo ka shakisiiyay wuxuuna sheegay in markii hore ay been badan oo hadda xaqiiqadeedii loo tagay u shegeen sidaa daraadeedna ay jirto gacan 3aad oo labadan nin qorshahooda dabada ka riixaysa kaas oo aan ogaan doono wakhti dhaw ayuu yidhi.
Sikastaba ha ahaatee Dr.dolaal(jilaani) ayaa la sheegayaa in uu Nairobi soo gaadhay Isagoo hadda kusugan Safaarada Ethiopia ee Nairobi, dolaal ayaa hore looga saaray ONLF kadib markii uu qayb ka noqday isku daygii fashilmay ee saxiibkii Aadan Yusuf Taani ku xarooday.
Ibraahim (dheere) oo isaguna ah ninka gudoomiyaha u ah Itaxaadka Ogaadeenya ka dagaalami jiray ayaa xubin sare oo kamid ahaa Itixaadkii hore uu yidhi “Timir Lafbaa kujirta” Maxaa keenay in Itixaad maraykanka ugu shaanbadaysan Argagixiso inta ay qabtaan Sheekh Ibraahin hadana soo Masaafuriyaan kenyana uu ka dago cidina waxba udirsan inagoo og in Maraykanku uu Xabsiga Guantanamo Bay uu dad Muslimiina oo uu kashakisanyahay waligii ku haysto anagoo og Cidii heshiis hoose la gasha uun in lasoo daayo, ninkan waxaan anigu aaminsanahay inuu yahay nin loo soo diray Mujaahidiinta inuu ku dhax milmo isagoo magacii Itixaad ee burburayna ku shaqaysanayaa sidaasina cadawga heshiiskii hoose ee uu lasoo galay ugu shaqeeyo.
Isku soo wada duubo shacabka Ogaadeenya oo isagu isha ku haya qorshaha jahawareer ee Dr.dolaal (jilaani) iyo Ibraahin (dheere) ayaa sugaya sida wadaadka Turki uu lugta ugala bixi Lahaa qorshihii fashilmay ee jahawareer.
Halkan Ka Eeg Shabakaddii Daabacday Waagaa >>> http://www.dufaan.com/index.php?id=274&option=com_content&task=view
Dufaan/Kismaayo:
Last Updated on Sunday, 11 January 2009 13:34
No comments:
Post a Comment